Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyey labo sharci oo Muhiimad gaar ah leh (Sawirro)

Kulanka guud ee mudanayaasha Golaha Shacabka Somalia ee maanta oo ku furmay 139 Xildhibaan ayaa waxay xildhibaanada Akhrinta sedaxaad marsiiyeen wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, waxaana Golaha u soo gudbiyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda miisaaniyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adda Dowladda ee Golaha shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Xildhibaanada Golaha ayaa cod geliyay Wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, waxaana Codka haa ku ogolaatay 133-Xildhibaan laba xildhibaan ayaa diiday halka afar Xildhibaana ay ka aamuseen sida uu natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Candiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan oo ka mid ah guddiga maaliyadda ayaa mudanayaasha Golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan xoghayaha Guddiga Maaliyadda ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta sedaxaad ee wax ka bedelka Sharciga furdooyinka, gaar ahaan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Xildhibaanada oo sidoo kale sharcigan cod geliyay ayaa waxaa Codka haa ku ogolaatay 134-Xildhibaan waxaa diiday 5-Xildhibaan Halka sedax Xildhibaanna ay ka aamuseen.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ka dooday Ajende horey uu goluhu ugu balansanaa oo ahaa in dood laga yeesho soo xaadirista Xildhibaanada ee fadhiyada golaha, waxaana dooda ka hor guddoomiyaha golaha shacabka uu ka hadlay muhiimada kalfadhigan iyo howlaha golaha horyaala.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa fikirkooda ka dhiibtay Soo xaadirista xildhibaanada iyo howlaha muhiimka ah ee golaha horyaala kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ku saabsan soo xaadirista Xildhibaanada ee kulamada golaha uu sii socon doono, waxaana uu xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay dar dar gelinta howlaha Golaha horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -