Beesha Caalamka oo ka dalbatay Axmed Madoobe in Doorashadii Jubbaland lagu celiyo iyo Shir ka socda..

Wakiilo ka socday beesha caalamka ayaa tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka jubbaland, waxa ayna wakiiladaasi kulamo xasaasi ah la qaateen Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo xubno kale.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wakiilada Beesha caalamka u cadeeyeen Axmed Madoobe in aysan taageeri karin ayna jiraan qaladaad badan oo dhacay intii ay socdeen doorashooyinkii Kismaayo ka dhacay.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa Axmed Madoobe ka codsaday in mar kale la qabto doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah si maamulka Jubbaland u helo taageerada beesha caalamka iyo tan dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa wakiilada beesha caalamka u sheegay in doorashada si wanaagsan u dhacday , waxa uuna cadeeyay in ay kaliya ka hortageen faragalin dowlada federaalka ku dooneysay in ku sameyso doorashada.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Madoobe wakiilada beesha caalamka u sheegay in codsigooda uusan kaligiis go’aan ka gaari karin uuna kala tasanayo Madaxda kale ee Jubbaland sida ay ka yeelayaan in doorashada mar kale lagu laabto.

Saacadaihii lasoo dhaafay Madaxtooyada Jubbaland waxaa ka dhacay kulamo albaabada u xirnaayeen oo ay lahaayeen Axmed Madoobe ,kuxigeenadiisa iyo Gudoonka Baarlamaanka  waxaana kulanka looga arinsanayay sida ay ka yeelayaan codsiga Beesha Caalamka.

Maamulka jubbaland ayaa ku jira go’doonsiyaasadeed, dowlada federaalka Soomaaliya ayaana xayiraad iyo cadaadis siyaasadeed oo dhinacyo badan ka imaanaya ku heysa maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Beesha Caalamka iyo dowlada federaalka ayaan taageerin doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee mar kale lagu doortay Axmed Madoobe, waxaana doorashadaasi dowlada ku tilmaantay mid sharci daro ah iyadoona ku baaqday doorasho kale in la qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -