Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo Markab dagaal usoo direysa Soomaaliya iyo ujeedka ka dambeeya

Dowladda Turkiga ayaa diyaarisay markab weyn oo nuuca dagaalka ah oo loo dirayo xeebaha Soomaaliya, waxaana markabkan la socda  askar badan, sidoo kale waxaa saaran  diyaarado kala duwan oo adeegsanayaan ciidamada .

,Warbaahinta dalka Turkiga ayaana baahiyay in markabkan dagaal ee loo dirayo xeebaha dalka Soomaaliya  loogu tala galay in uu ilaaliyo markab ka shaqeeya howlaha sahanka iyo cilmi-baarista tamarta, kaa oo baaritaanno shidaal ka bilaabaya biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga, in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey heshiis dhinca baarista shidaalka iyo tamarta  ula gashay dowladda Turkiga, waxaana markabkan Turkiga soo dirayo ee bilaabaya baarista shidaalka la filayaa in xeebaha Soomaaliya soo gaaro bisha soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari ku kacay fal dad badan aad ula yaabeen oo xabsi la dhigay !

Cabdi Cade

Kooxo ka tirsan Daacish oo lagu weeraray buuraha gobolka Bari & Puntland oo..

Caydiid Ali

Haidar Badawi oo shaqadiisa ku waayay Warbixin aan lala ogeyn uu Warbaahinta u gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---