Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiir shaaciyey inuu xilka iska casilay & Xog ku aadan sababta iscasilaadiisa

Wasiirkii horumarinta degaanka ee maamulka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay.

Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin sababta rasmiga ah ee uu shaqada iskaga casilay balse warar qaar ayaa sheegaya in sababaha uu isku casilay ay ka qeyb ka tahay Khilaaf soo gala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Gaas.

Dr. Cali C/llaahi Warsame ayaa maalmihii la soo dhaafay wajahay Fadeexad musuq oo ka dhalatay saddex mashruuc oo dhamantood muhiimad u lahaa shacabka Puntland, kuwaasoo ay ku jiraan mashaariic ay dawladda Jarmalku ka hirgalinaysay Puntland oo u joogsaday.

Madaxda Puntland ayuu ku eedeeyey inay danaha horumarineed ee degaanka ka hormariyaan danahooda gaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo shaacisay ujeedo qarsoon oo laga lahaa dibad-baxii ka dhacay Garoowe

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo la wareegay xeradii tababarka Imaaraadka & Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii socday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qatar oo yeelatay Ra’isul Wasaare cusub kadib markii uu is casilay R/Wasaarihii hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---