Allbanaadir.com
NEWS

Daadadkii ugu xumaa muddo 50 sano ah oo ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.. (Sawirro)

Roobabkii ugu cuslaa ee ku dhuftay gobolka Nova Scotia ee dalka Canada muddo ka badan 50 sano ayaa sababay daadad sababay khasaare aan la qiyaasi karin, afar qofna waa la la’yahay, oo ay ku jiraan laba carruur ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Duufaantan, oo bilaabatay Jimcihii, waxay socotay 24 saacadood oo keliya Daadadka ka dhashay ayaa qaaday waddooyinka

“Waxaan haynaa xaalad cabsi leh,” ayuu yiri Premier Nova Scotia Tim Houston oo ka mid ah saraakiisa gurmadka  isagoo intaa ku daray in ugu yaraan toddobo buundo oo muhiim ah ay tahay in la beddelo ama dib loo dhiso.

“Dhaawaca hantida guryaha… waa wax aan la qiyaasi karin,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id. Houston ayaa sheegtay in gobolku uu taageero weyn ka raadin doono dowladda federaalka.

Raiisel wasaare Justin Trudeau oo warfidiyeenada kula hadlay Toronto ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay khasaaraha duufaanta.

Daadadka ayaa ahaa masiibadii ugu dambeysay ee cimilada la xiriirta ee ku dhufata Kanada sanadkan. Dabka ka kacay duurka ayaa horey u gubay tiro aad u tiro badan oo hektar ah, taasoo daruuro qiiq ah u dirtay dalka Mareykanka. Horaantii bishan.

Maamulka ayaa kaga dhawaaqay xaalad degdeg ah Halifax, magaalada ugu weyn Nova Scotia iyo afar gobol oo kale.

Maamulka gobolka ee Halifax ayaa ka warbixiyay “burbur xooggan oo soo gaaray waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha” waxayna dadka ku boorisay inay guryahooda joogaan oo aysan isticmaalin baabuurtooda.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo qaaday Halifax ayaa muujinayay baabuur la dayacay oo ku ay qariyeen biyaha daadku iyo shaqaalaha gurmadka oo isticmaalaya doomo si ay dadka u badbaadiyaan.

Houston oo soo xiganeysa booliska ayaa sheegtay in labo caruur ah la la’yahay kadib markii gaarigii ay saarnaayeen uu la quusay. Dhacdo kale, oday iyo nin dhalinyaro ah ayaa la la’yahay ka dib markii gaarigii ay wateen uu galay biyo qoto dheer. iyadoo in ka badan 80,000 oo qof ay koronto la’aan noqdeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shidaalkii ugu horeeyey tan iyo bilowgii dagaalka oo u gudbay Gaza

Caydiid Ali

Xildhibaano cusub oo saakay kusoo baxay Doorasho la isku tanaasulay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo lagu wareejiyay 68-gaadiidka Gaashaaman (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---