Shidaalkii ugu horeeyey tan iyo bilowgii dagaalka oo u gudbay Gaza

Qiyaastii 23,000 litir (6,078 gallon) oo shidaal ah oo laga keenay Masar ayaa la geeyey Gaza markii uu bilowday dagaalka 7dii Oktoobar sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Hawlaha Falastiiniyiinta (UNRWA).

Shidaalkan ayaa loo isticmaali doonaa oo keliya arrimaha gargaarka Rafah.

“Waxan ka helay Masar 23,027 [litir] shidaal ah (kala badh booyad) – laakiin isticmaalkeeda waxaa xaddiday mas’uuliyiinta Israa’iil waxaana loo adeegsan doonaa gaadiidka sida gargaarka

“Shidaal loogu talagalay biyaha ama isbitaallada ma jirto.” ayey tiri heyadda

“Tani waa kaliya 9% waxa aan u baahanahay maalin kasta si aan u sii wadno howlaha nafaha lagu badbaadinayo,” ayuu raaciyay.

Gaariga xamuulka ah ee siday shidaalka ayaa ka soo gudbay xadka Masar, wuxuuna soo galay Qaza subaxnimadii saaka, isagoo ka soo gudbay marinka xadka Rafah.

Waa gaarigii ugu horreeyay ee shidaal u qaada marinka Qaza tan iyo markii Israa’iil ay go’doomin ku soo rogtay marinka marinka Gaza ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii October.

- Advertisement -