Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano cusub oo saakay kusoo baxay Doorasho la isku tanaasulay (Sawirro)

Waxaa saakay magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana doorashadan kusoo baxay labo Xildhibaan oo horey loogu xiray.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#243 waxaa ku guuleesatay Samsam Muxumed Cumar oo qaan gacan taag ah loogu codeeyay ,kaddib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii malxiiska u aheyd Dallays Cali ibraahim .

Waxaa sidoo kale kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#206 Mudane Maxamed ibraahim Cabdi , waxaana tartanka kursigan ka tanaasushay gabar uu musharaxan soo qortay oo lagu magacaabo Maryam ibraahim Cabdulaahi.

Doorashada kuraadsta gobolada Waqooyi ayaa inta badan ahaa kuwa aan lagu tartamin oo la isku tanaasulay, waxaana doorashada sanadkan ka socota Soomaaliya noqotay tii ugu musuqmaasuqa badneed oo doorashada loo xiray dad si gaar ah loo watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=15s

Related posts

Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka dhex curtay Yuusuf Dabageed iyo Cali Cosoble?

Caydiid Ali

DF oo hal arrin uga mahad celisay Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

(Akhriso) Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo dacwad ku soo oogtay Masuuliyiin hor leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---