Qaraxyo caawa laga maqlay Muqdisho iyo Taliska Booliska oo war ka soo saaray

Dhowr qarax oo isxigay aya caawa fiidnimadii laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Qaraxyadan ayaa markii la maqlay waxay dad badan ku abuureen cabsi iyo walaac xooggan, iyadoo la isweydiinayey halka ay wax ka dhaceen iyo sida ay wax u jiraan.

Hase ahaatee warar markii dambe soo baxay ayaa sheegaya in qaraxyada aysan aheyn weerar ka dhacay magaalada balse ay yihiin dab rid ay sameynayaan ciidamo tababar ku qaadanaya xero milateri oo ku taala duleedka garoonka Aadan Cadde..

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed  oo goor dambe war soo saaray ayaa sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo nabadeed.

“Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, Dhawaqa iyo Sharqanta jugta ee laga maqlayo qeybo Magaalada ka mid ah, ma ahan wax lid ku ah Amniga iyo Xasiloonida. Sidaas daraaded, yaan loo qaadan qatar Amaan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -