(Sawirro) Sidee Max’ud Sayid Aadan loogu soo dhoweeyey degmada Doolow?

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo ay wafdigiisa kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada, siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Dolow Waxaa kusoo dhaweeyay maamulka heer Degmo iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dolow kulamo la qaadan doona maamulka Degmada, Ciidamada kaladuwan iyo qeybaha ay ka koobantahay bulshada deegaanka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan ku sugnaa degmada Luuq ee isla gobolka Gedo halkaasoo uu kulamo kula qaatay qeybaha bulshada iyo maamulka degmadaas, waxayna u muuqataa iney meesha ka sii baxeyso kala qeybsanaantii maamul ee ka jirtay gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -