Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Dowladu waa iney bedeshaa siyaasada Maamulka dhulalka danta guud”

Dowladdii Mileteriga ahayd ayaa dhulal ay lahaayeen dadweynaha si qasaba ula wareegtey, kadibna dib u siisay adeegeyaasheedii daacada u ahaa kacaanka 21 Oktober, waxaana sidoo kale qeybo ka mida dhulkaas dadka shacabka laga boobay laga sameeyey warshado iyo hayado ganacsi oo aan wax soo saar wanaagsan lahayn, waxeyna kuwaas mar walba ay dowladda ku ahayeen culaab miisaaniyadeeda la kabi jirey ama ay ahayeen ilo dhaqaale oo dad gaara lagu naasnuujinayey ama ay ku takrifali jireen cida markaas gacanta ku haysey oo maamulkeeda maareynaysey.

Dhulalkaas waxaa lagula wareegayey dikareeto madaxweyne, waxaana lagu bixinayey dikareeto madaxweyne, waxeyna madaxda qaabilsaneyd dhulbixinta ay mar kasta dhulalkaas ka reebanayeen qeybo ka mida oo ay ama gadanayeen ama ay ka dhisanayeen guryo, waxaase mararka qaar dhici jirtey in dad shacaba lagu dilo iyagoo dhulalkooda iyo guryahaooda inaan laga dumin ama laga qaadan ku mitidayey, waxeyna nasiibdarradaas horseeday in si xaaraana dhulal badan magaca danta guud lagula wareegey, waxaana caado u ahayd in dadka masaakiinta ah laga raro magaalada gudaheeda loona raro meelo aan biyo iyo koronto midna lahayn.

Waxaa hadda magaalooyin badan ka dhex buuxa dhulalkaas ku magacaaban danta guud oo aan lahayn faa’idooyin wax soo saara, loona baahan yahay in looga faa’ideeyo shacabka doonaya iney waxyaabo badan oo bulshada waxtar u leh ka hirgeliyaan haddiiba ay dhacdo in dhulalkaas dayacan lagu soo wareejiyo milkiyadooda, waxaana sidaas oo kale tixgelin mudan in shacabka hayey dhulalkaas qeybo ka mida oo waxyaabo munaafacaad u leh dadweynaha ka abuuray in iyagana laga iibiyo, maxaayeelay adduunka waxaa la isku raacsan yahay cida haysa dhul danta guud mudo ka badan 25 sano iney xaq u leedahay in iyada lagu wareejiyo oo qiimo yar laga siiyo.

Soomaaliya waxaa burburay warshadihii iyo hayadihii ganacsiga oo ay lahayd dowladdii mileteriga, waxaa sidoo kale gacanta dowladda ka baxay mudo aad u dheer dugsiyo, isbitaalo, xerooyin ciidan, iyo guryo loo dhisay madaxda dowladda iyo martida, waxeysana weli dowladda Soomaaliya aysan dooneyn iney dib u maalgeliso goobahaas, maxaa yeelay ganacsi iyo wax soo saar waxaa iska leh shacabka, mana ahan shaqo ay leedahay dowlad dimoqaraadiya, balse dowladda ku dhisan dimoqaradiyada waxey dadka shacabkeeda ah ay ku maalgelisaa shaqo abuurka ganacsiga sida gaarka loo leeyahay oo sameeya adeegyada dadweynaha sida waxbarashada, caafimaadka, caymisyada, warshadaha yar yar, gaadiidka bada, cirka, dhulka iyo teknoolajooyinka cusub ee isgaarsiinta.

Dad badan ayaan ku baraarugsaneyn in dhulalkii danta guud ee ku yaaley maamul goboleedyada dalka intooda badan la kala qaatay oo ay bixiyeen madaxdii isaga dambeysey maamulada dowlad goboleedyada, balse ay dad badan yaab ku noqoto marka ay maqlaan dhulalka danta guud ee ku yaala gobolka Banadir iney dowladda dhexe dib u bixineyso, waxeyna ahayd in dadka sidaas u fekeraya ay dareemaan in laga soo guurey nidaamkii hantiwadaaga ee shuuciyada ku dhisnaa, loona baahan yahay in dowladdu ku dhisnaato maamulid iyo canshuur qaadasho, shacabkuna oo ku dhisanado ganacsi iyo canshuur bixin.

Waxaa lagama maarmaan ah in madaxda sare ee dowladda dhexe in sida ay u aragto iney u maamusho dhulalkaas danta guuda oo aan waxtarka u lahayn dowladda, waxaana loo baahan yahay in la fahmo in dhulalkaas aysan ahayn badeeco qandaraas lagu kala qaadanayo, balse ay tahay in goobahaas lagu tixgeliyo cidii ka abuureysa adeegyo dadweyne oo macaashkoodu yar yahay, looguna daneynayo dadweynaha danyartaa maslaxadooda, waxaanan marna meesha ka maqnayn ogolaanashaha madaxweynaha iyo in la raaco tixgelintiisa uu dhulalkaas ku bixinayo, isagoo dikareeto madaxweyne ogolaanshihiisa ku bixinaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud iyo ku xigeenkiisa raisulwasaaraha Mudane Xamze Abdi Bare waxaa la gudboon sida ugu dhaqsiyaha badan in dhulalka dayacan ee ah danta guud lahaanshahooda dib loogu celiyo shacabka, waxaana aad u wanaagsanaan lahayd in intooda badan lagu abaalmariyo halgameyaashii dalkaan naftooda ugu soo huray ama hawlgabka ugu soo noqday iyagoo u adeegaya dantiisa guud, iyo weliba iney dowladdu gacan ku siiso kuwa dhulalkaas ka fuliyey adeegyo dadweyne ee waxbarasho ama caafimaad.

Waxaa wanaagsan in wixii aan ahayn goobo lagu fulinayo adeegyada dadweynaha loo sameynayo in laga dhex saaro xaafadaha ay degen yihiin dadweynaha, waxeyna taas kalifeysaa in wershedaha iyo matooradda waaweyn ee dhaliya korontada ama keydadka ay ku jiraan waxyaabaha sida fudud u gubta ama u qarxa ama xerooyinka ciidamada ku qalabeysan baabuurta gaashaaman, in dhamaantood laga fogeeyo magaalooyinka gudahooda, isla markaasna loo qoondeeyo dhulal iyaga u gaara oo ay dowladu ugu deeqdo, kuwaas oo ka reeban degaano ay dadku degaan ama ka caagan meelo ay dadweynuhu u dalxiis tagaan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo kasoo horjeestay Axmed Madoobe lana saftay Mucaaradka Gedo

Cabdi Cade

Culimada Al-Shabaab oo fatwo ka soo saaray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali