Gabdho Qurux badan oo qeyb ka ah Olalaha musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug

- Advertisement -

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa ka socda olole xoogan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Musharaxiinta qaar ayaa ololahooda si weyn looga dareemayaa magaalada Dhuusomareeb , waxaana olalaha u wada dhalinyaro badan oo isugu jira wiilal iyo gabdhp ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Sida aan wararka ku helnay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa olalohooda doorashada iyo kasbashada codka Xildhibaanada Galmudug u adeegsanaya gabdho aad u qurux badan.

Gabdhahan oo badankood ka yimid magaalada Muqdisho ayaa degan guryaha musharaxinta qaar iyo guryo kale oo loo kireeyay, waxa ayna inta badan waqti ku bixiyaan sidii ay Xildhibaanada ugu kasbi lahaayeen Musharaxiinta ay la jiraan.

Hotelada kuyaala magaalada Dhuusomareeb qaarkood ayaa mashquul badan laga dareemayaa, waxaana hotelada lagu arkaa gabdho aad u qurux badan oo olalaha ka dhax wada Hoteelada ay inta badan joogaan Xildhibaanada.

Gabdhaha ayaa badanaa la xiriira lana sheekeesta Xildhibaanada dhalinyarada ah ee ku jira Baarlamaanka Galmudug, waxa ayna xildhibaanadaasi ku qal qaaliyaan kana codsadaan in codkooda ku taageeraan musharaxiinta ay wataan.

Waxaa suurto gal ah musharaxiinta qaar codad badan ku helaan olalaha ay u adeegsanayaan gabdhaha quruxda badan, waxaana laga cabsi qabaa in Musharaxiinta qaar oo lacag aaminsan ay cod ka waayaan Xildhibaanada.

Olalaha Musharaxiinta ay inta badan sameeyaan ayaa waxaa wadi jiray rag dadaaliin siyaasadeed u badan, hasa ahaatee waxaa hada soo baxaya in gabdhaha markan qeyb ka noqonayaan olalaha musharaxiinta qaar wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -