Gabar iyada oo arkeysa Aabaheed ku hor dilay ninkii ay Nolosheeda u hibeesay !!

14kii bishii Siteembar, Pranay Perumalla waxaa lagu hor dilay xaaskiisa, Amrutha, waxaa lagu eedeeyay inay ceeb u soo jiidday qoyskooda.

Amrutha iyo Pranay waxa uu jecelkooda ka soo bilowday dugsi sare oo ku yaalay Miriyalaguda, magaalo yar oo ku taalla koonfurta gobolka Telangana ee dalka Hindiya.

“Mar kasta waan iska heli jirnay. Telefoonka ayaan aad ugu hadli jirnay, ka dibna waan is jeclaanay,” sidaasi ayeey tiri iyadoo dhoola cadeyneysa, illimana ay ku soo istaagtay.

Amrutha oo 21 jir ah ayaa ka dhalatay qoys maalqabeen ah, halka Pranay oo 24 jir ahaa uu ka dhashay qoys danyar ah. Amrutha ayaa ninka guursatay iyadoo waalidkeed ay ka soo horjeedaan.

Hadda uur shan bilood ah ayey leedahay, noloshanna inay ku noolaaneyso uma aysan haysanin.

“Aabahay ayaa dilay saygeyga waayo kama uusan dhalanin qoys lacag leh sidayda oo kale,” ayey tiri Amrutha.

Majirto xog rasmi ah oo arrimahan looga hadlay balse hal warbixin oo laga qoray ayaa sheegeysa in boqolaal qof lagu dilo dalka Hindiya sannad kasta, iyadoo loo aanaynayo inay ka dhaga adeygeen waalidkood oo ka soo horjeestay qofka ay nolosha la wadaagayaan.

Qoysas badan oo dalka Hindiya ku nool waxay doorbidaan in ilmahooda ay guursadaan qof ay isku dabaqad iyo isku diin yihiin.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Amrutha Aabaheed, Maruti Rao, adeerkeed iyo saddex kale oo lagu eedeeyay inay lacag gaareysa 104,000 oo dollar ku qaateen dilka Pranay.

Waxay sidoo kale sheegeen in weerarkan uu ahaa kii 4aad ee lagu damacsana in lagu dilo Pranay’s balse kani uu noloshiisa ku waayay.

Madaxa booliska ee gobolkaasi ayaa sheegay in Mr Rao uu qirtay in uu dilka ka dambeeyay, sababta uu Pranay u dilayna ay ahayd inuusan ka dhalanin qoys maal qabeen ah.

Amrutha waxay sheegtay inay qorsheynayeen inay u wareegaan dalka Canada balse ay iska baaqdeen markii ay ogadeen inay uur leedahay.

Amrutha ayaa sheegatay inay waalidkeeda ogeysiisay inay uur leedahay iyadoo dooneysa inay u beer nuglaadan sayigeeda balse waxay ka codsadeen inay cunuga iska soo tuurto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -