Soomaaliya oo buuxisay 27-Shuruud oo ay ku xirtay Hay’ada Lacagta Adduunka

Soomaaliya ayaa sanado badan kadib ku guuleesatay in ay buuxiso 27-shuruud oo ay ku xirtay Sanduuqa Hay’ada Lacagta Adduunka ee loo yaqaan IMF, si Soomaaliya looga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay.

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa mudo todobaad ah kulamo uga socdeen Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya iyo xubno kasocday Hay’ada Lacagta Aduunka IMF.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Soomaaliya buuxisay 27-shuruud oo horey loogu xiray si looga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay.

Kulanka magaalada Nairobi ku dhax maray Wasaarada Maaliyada Soomaaliya iyo Hay’ada Lacagta Aduunka ayaa ah mid sadexdii bilba mar la qabto laguna qiimeeyo horumarada iyo waxyaabaha u qabsoomay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in IMF-tu u sheegtay in Soomaaliya wax badan u qabsoomeen mudooyinkii ugu dambeeyay ayna soo dhaweeyeen caalamku, waxa uuna xusay in dadaalada ay wado dowlada Soomaaliya halkeeda laga sii wadi doono.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyada in Soomaaliya ay wado qorshihii ay ku daabici laheyd lacagta ay yeelaneyso Soomaaliya, waxa uuna xusay in Soomaaliya iyo IMF iska kaashan doonaan soo saarida lacagtaasi cusub.

Soomaaliya waxaa lagu leeyahay deymo badan waxaana lagu xiray shuruudo badan si lacagahaasi deymaha looga cafiyo, waxa ayna dowlada Federaalka Soomaaliya sameysay dadaalo badan si looga cafiyo Soomaaliya deymaha badan ee lagu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -