Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Caanood: “Howlgaladii todobaadkan waxaa Al-shabaab looga dilay xubno gaaraya..”

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay Howlgalo dhowaan ciidanka xoogga dalku ku laayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

General. Caanood ayaa sheegay in todobaad gudihiis howlgallo gobollo kala duwan ka dhacay looga dilay Al-shabaab 200 oo dagaalyahan, halka tiro intaas ka badana loogu dhaawacay.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay inta u dhexeysa gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe loogu dilay al-shabaab in ka badan 30 xubnood oo ay ku jiraan laba Sarkaal.

Ciidanka xoogga ayuu sheegay in howlgallo ay bishan gudaheeda ka sameeyeen gobollada Jubbooyinka Galgaduud iyo Shabeellada dhexe ay al-shabaab ugu geysteen jab xooggan kana laayeen saraakiil sar sare.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa intaa ku daray in uu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee howlgalka lagu sifeynayo khawaarijta, wuxuuna xusay in haddii ay shacabka Soomaaliyeed garab ku siiyaan Ciidankooda aan loo baahnaan doonin weji saddexaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Baaq deg deg ah u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Cabdi Cade

Israel oo maalintii 2aad xasuuq arxan daro ah ka wada Gaza

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Siyaasiga ugu weyn Mucaaradka Deni oo lagu soo dhoweyey Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---