Mareykanka oo Baaq deg deg ah u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Xaalada dalka Itoobiya ayaa xiligan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana cabsi xoogan laga qabaa in kooxda TPLF iyo kooxo kale oo isbaheysi la sameestay in ay galaan magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Safaarada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Itoobiya in ay si deg deg ah uga baxaan dalkaasi .

Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xaalada Itoobiya ay tahay mid qasan, waxa ayna ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka in sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalkaasi.

“Xaaladda ammaan ee Itoobiya ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu sheegay farriin la soo dhigay bogga internet-ka ee safaaradda.

Digniintan kasoo baxday dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili shalay gudaha Mareykanka heshiis ku gaareen 9-Urur oo TPLF ku jirto kuwaa oo isku baheestay dagaalka ka dhanka ah Abiy Axmed iyo sidii ay u weerari lahaayeen Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -