Askari katirsan ciidamada Puntland oo dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Gaas oo ka hadlay

Wararka ka imaanaya degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada maamulka Puntland bar koontarool ku dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo kamid ah Isimada gobolka Sanaag.

Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa la sheegay xiliga la dilayay in uu watay gaari uu marayay bar koontarool, waxaana gaariga Suldaanka xabad kusoo riday askari katirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa koontaroolkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa durba xiray askariga dulka u geestay Suldaan Xasan Cali oo aad looga garanayay gobolka Sool, waxa uuna Suldaankan kamid ahaa waxgaradkii Degmada Badhan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Suldaan Xasan Cali Jibriil, waxa uuna sheegay Gaas  in suldaanku uu door wayn ka qaatay arimaha nabada, ehelada iyo qaraabada marxuumka ayuu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyey.

Dilka Suldaanka ayaa imaanaya xili booqasho shalay Degmada Badhan oo ay isku heestaan maamulada Somaliland iyo Puntland ku tagay Madaxweyne Gaas, waxa uuna Madaxweynaha halkaasi ka furay mashaariic kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -