Maxkamada Caalamiga ee ICJ oo dib u dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda ee Somalia

Maxkamada caalamiga ee ICJ ayaa dib u dhigtay kiiska dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lagu waday in 9-ka bishan ka furanto xarunta Maxkamada ee dalka Holland.

Dowlada Kenya ayaa Maxkamada ka dalbatay in kiiska dhageysiga dacwada dib loo dhigo mudo 12-bilood ah si ay Kenya u raadsato Qareeno kiiskan ka difaaca kadib markii ay kala dirtay qareenadii hore.

Maxkamada ayaa goordhaw ku dhawaaqay in mudo 2-bil ah dib loo dhigay dhageysiga kiiska dacwada badda, waxa ayna Maxkamada meesha la saartay codsiga Kenya ee ahaa in mudo sanad ah dib loo dhigo xiliga dhageysiga dacwada.

Safiirka Soomaaliya u fadhiga Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Maxkamada dhageysiga kiiskan dib u dhigtay mudo 2-bil ah , waxa uuna xusay in Kenya aysan ku raacin in kiiskan dib loo dhigo mudo sanad ah.

Kenya ayaa fursad u aragta in dib loo dhigo dhageysida kiiska dacwada badda  inkastoo laga diiday mudadii ay codsatay, waxa ayna Kenya raadineysaa in muranka badda ee labada dal lagu dhameeyo meel aan aheyn Maxkamad , iyadoo ka niyad jabsan in guul ka gaarto kiiskan.

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -