Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo arrimo ay kamid yihiin Colaada Laascaanood kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Marwo Catriona Laing.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed ee  Somaliland iyo Qaramada Midoobay, sidii loo dardar-gelin lahaa loona xoojin lahaa mashaariicda Qaramada Midoobay ka waddo gudaha Somaliland.

Waxa kale oo laga wada hadlay wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrinta la iska waydaarsaday aaraah. Sidoo kale waxa kulanka lagaga hadlay xaaladda guud ee la xidhiidha colaada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa.

Ugu danbayna Kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in ay si dhaw u wada shaqeeyaan labada dhinac.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, horumarinta Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ahna ku simaha wasiirka iyo Ergeyga gaarka ah ee Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, halka dhinaca weftigana ay ku wehelinayeen madaxa xafiiska qaramada midoobay ee Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo la socday.

Related posts

Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Aaskii Suleimani (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin aad ugu dhaw Madaxweyne Deni oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee Garawe lagu doortay

Cabdi Cade

Maxay qoyska Ikraan Tahliil ka yiraahdeen guddiga uu Farmaajo Magacaabay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---