Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Nin aad ugu dhaw Madaxweyne Deni oo noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee Garawe lagu doortay

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ka bilaabatay doorashada xildhibaanada golaha shacabka , waxaana maanta Garawe lagu dooranayaa ilaa shan kursi.

Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa maanta ka dhacday magaalada Garawe waxaa ku tartamay Cabdi Ibraahim Qowdhan oo katirsan wasiirada maamulka Puntland iyo musharax kale oo lagu magacaabo Abshir Cabdi Xusee.

Doorashada kursigan oo sumaddiisu aheyd HOP#196 waxaa ku guuleestay Cabdi Ibraahim Qowdhan oo helay 90-cod halka musharaxii la tartamayay Abshir Cabdi isna helay 6-cod oo kaliya halka ay halaabeen 2 cod.

Siyaasiga kursigan ku guuleestay Cabdi Ibraahim Qowdhan ayaa kamid ah saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweyne Siciid Deni, waxaana Qowdhan hada yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=riFvZvMQs8I&t=317s

Related posts

Maxey ka dhigan tahay Xamaas in xilligan ku dhawaaqdo geerida Maxamed Dayf ?

Cabdi Cade

DEG DEG: Xildhibaan goor dhow toogasho lagu dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo dilay nin kooxda Al Shabaab shaqo muhiim ah u hayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---