Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Aaskii Suleimani (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta qabuuro kuyaala magaalada Kerman ee dalka Iraan lagu aasay taliyihii cutubka Qudus ee ciidamada Kacaanka Jeneraal Qaasim Sulemani, oo jimcihii lagu dilay duqeyn Mareykanka ka fuliyeen magaalada Bagdaad.

Dadweyne aad u badan ayaa isugu soo baxay goobta uu aasku ka dhacayay, waxa ayna dadkan aad uga murugeesnaayeen dilka Mareykanka u geesteen sargaalkan aadka looga jeclaa gudaha Iiraan.

Isbuurasho ayaa ka dhacday goobta aasku ka dhacayay ay joogeen kumanaan kun oo qof ah, waxaana isbuurashada ku dhintay dad ka badan 35-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 200-oo qof.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay isbuurashada ka dhacday aaska Jeneraalka in ay kasii bataan tirada hada la ogyahay, waxaana dadka dhaawacyada qaba loola cararay xarumo caafimaad.

Dadkii ka qeyb galayay aaska Jeneraal Qaasim Sulemani ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Mareykanka iyo Israil, waxa ayna dadku ka dalbanayeen dowlada Iiraan in ay u aar gudo jeneraalka la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -