Shiikh Shariif iyo danjire Alberto Vecchi oo ka wadahadlay saddex qodob (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ahna musharax u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi.

Qoraal uu Shiikh Shariif ku daabacay baraha bulshada ayuu kaga waramay kulanka uu la qaatay Danjire Alberto Vecchi iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen, kaasoo u qornaa sidatan:-

Waxaa maanta xafiiska igu soo booqday Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi, waxaan ka wada hadalnay marxaladda uu dalka ku jiro sida:

1 Xaaladda Amniga dalka
2 Dedajinta doorashooyinka
3 Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Waxaan uga mahad celiyay kaalinta dowladda Talyaaniga ka qaadanayso dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -