C/raxmaan C/shakuur oo si yaab leh uga hadlay heshiiskii DF iyo Ahlu sunna

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay maanta ku gaareen magaalada Dhuusamareeb dowlada Somalia iyo hogaanka ahlu sunna kaasoo xal looga gaaray khilaafkii ka taagnaa dhismaha maamulka Galmudug.

War-same ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid wax ku ool ah oo horseed u noqon kara in la dhiso Galmudug mideysan, isagoo ku baaqay in la xaliyo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaarkood.

Arinta ugu yaabka badan ee dad badan ka fajicisay ayaa waxay in C/raxmaan C/shakuur uu heshiiskan ay gaareen DF iyo ahlu suna uga mahad celiyey oo kaliya beesha caalamka iyo dalalka taageera Somalia.

Hoos ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shakuur.

Waxaan bogaadinaynaa meelmarinta heshiiskii siyaasadeed ee ay horay u wada gaareen dawlada Federaalka ah iyo Ahlusunna. Horay ayaa waxaa u fulay heshiiska dhinaciisii amniga oo ahaa isku dhaf ciidanka, maantana waxaa bilawday dhinicii isku darka siyaasada. Waxaan mahad u jeedinayaa beesha caalamka, gaar ahaan dawlada Maraykanka UN ka, UK iyo EU oo gacan wayn ka gaysatay meel marinta heshiiska labada dhinac.

Waxaa lagama maarmaan ah in la tixgeliyo tabashooyinka beelaha, lana dhagaysto talada waxgaradka iyo saamilayda siyaasadeed ee Galmudug, si loo helo Galmudug loo dhanyahay, wadajirta, shaqayn karta, gaarsiisana dadka iyo deegaanka Galmudug nabad, horumar iyo xasilooni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -