Maxaa ka soo baxay kulamadii dhexmaray wafdigii Aqalka sare & Madaxda Jubbaland?

Wafdigii Aqalka sare ee xal raadinta ayaa soo gebagabeeyey kulamadii ay la lahaayeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa shaaca ka qaadn in wahadaladaas loogu soo bandhigay in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku heyso Jubbaland,isla markaana dhibaato xoogan ay kala kulmayaan dowladda.

Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah Guddiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo si xal looga gaaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii ay la kulmeen ay sheegeen inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxay dowladda ku eedeynayaan inaysan aqoon isku soo dhawaansho balse ay taqaano kala fogeyn shacabka iyo Maamulka Jubbaland” ayuu yiri Senator Axmed Xaashi.

Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Jubbaland inay ka fogaadaan in dhexdooda dhibaatooyin la kala dhex dhigo, isla markaana ay u sabraan cadaadiska uga imaanaya dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -