Muuse Biixi oo qaabilay Madaxda Machadka Brenthurst Foundation (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay madaxda Machadka BRENTHURTS FOUNDATION oo ay wehelinayaan siyaasiyiin iyo haldoor kale oo caalami ah oo kasoo qaybgalay shir uu machadku maalintii shalay ka furay caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha, ayaa hoggaanka Machadka Brenthurst Foundation uga mahadnaqay sida ay ugu dhiirradeen inay Somaliland u doortaan inay noqoto dalkii ugu horreeyey Geeska Afrika ee ay shirkan caalamiga ah ee lagaga hadlo arrimaha Afrika ku qabtaan, isaga oo xubnaha caalamiga ah ee daafaha adduunka isaga yimi ee shirka qaybta ka ahaana uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda. Waxaanu Madaxweynuhu ku dheeraaday horumarka ku dhisan iskaashiga iyo wada jirka shacbiga Somaliland iyo Xukuumadihii kala danbeeyey ay ku tallaabsadeen ee sababay in maanta caalamku u tartamo Somaliland, haday tahay maalgashi iyo shirarba sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen.

Dhinacooda, madaxda Machadka BRENTHURST FOUNDATION, ayaa ka markhaati kacay horumarka iyo dawladnimada ka hanaqaadday Somaliland, taas oo ay ku sheegeen inay sabab u tahay inay shirkooda u doortaan Sannadkan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo intaas raaciyey inay Somaliland ku arkeen waxyaabo badan oo soo jiitay oo ay ugu horayso nabadgelyada iyo isku tiirsanaanta guud.

Machadka Brenthurst Foundation, ayaa maalintii shalay caasimadda Hargeysa ku qabtay shir caalami ah oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, cilmi-baadheyaal, siyaasiyiin, warbaahin caalamiya iyo haldoor kale oo ka socda in ka badan 17 waddan oo adduunka ah, waxana lagaga dooday Amniga, dawlad-dhiska iyo dhaqaalaha Afrika.

 

- Advertisement -