Kooxo hubeysan oo saaka dil qorsheysan ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka saaka aroortii hore ayaa dil qorsheysan waxaa uu ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa ka danbeeyay koox hubeysan oo weerar ku qaaday askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka oo ku sugnaa suuqa Beerta ee degmada Waaberi oo u dhow xerada ciidanka circa ee Afisiyooni.

Dadka degaanka ayaa sheegay in askariga la dilay oo ahaa Boolis lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu, isagoo ka mid ahaa ilaalada barta kontorool ee ku taalla Suuqa Beerta.

Dableyda weerarka ku qaaday askariga oo ahaa laba dhalinyaro ah ayaa rasaas ku furay askariga oo ahaa nin da weyn oo degaankaasi caan ka ahaa, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay toogteen askariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -