(Sawirro) Dabaaldega Xuska sanadguurada Puntland oo saaka ka socda Garowe

Iyadoo maanta oo bisha Agoosto tahay 1 ay ku beegan tahay sanadguuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa saaka ka socda magaalada Garoowe dabaaldegyo iyo fantasiye loo sameynayo munasabadaas.

Madaxda Puntland iyo kuwa federaalka ayaa saaka salaan sharaf kaga qaadanaya fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Garoowe qeybaha kala duwan ee bulshada, ciidamada iyo shaqaalaha heyadaha dowlada oo halkaas socod maraya, sidoo kale kumanaan shacab ah ayaa saaka soo buux dhaafiyey si ay u daawadaan dabaaldega halkaas ka socda.

Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni, ku-xigeenkiisa, Axmed Karaash, wafdi ka socda dowlada Somalia oo uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo masuuliyiin kale oo fara badan ayaa ka qeyb galaya dabaaldega saaka ka socda magaalada Garoowe.

Puntland oo lagu tilmaamo hooyadii federaalka Somalia waa maamul goboleedkii ugu horeeyey noociisa ee dalka laga sameeyo dagaaladii sokeeye intii lagu jiray 21 sano ka hor, isagoo xitaa ka horeeyey dhismaha dowlada federaalka oo uu wax ka soo dhisay, horumaro kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga ayeyna ku talaabsatay Puntland, iyadoo aasaaskeedii uu madaxweyne ka ahaa marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo markii dambe u xuubsiibtay Madaxweynaha Somalia.

LA SOCO SAACADAHA SOO SOCDA WARBIXIN IYO SAWIRRO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -