Somalia awood ma u leedahay iney ciidamo Nabad ilaalin ah u dirto dalka Koonfurta Sudan?

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidamo u dirto dalka Koonfur Sudan, si ay gacan uga gaysato ammaanka, una xoojiso nabadda dalkaas.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaabiri oo ka hadlayey Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa uusan ka laba labayneyn inuu cidamo u diro Koonfurta Sudan.

“Dadka qaar ayaa is-weydiiyaan sidee ayey suurt-gal ku tahay in dal Soomaaliya oo kale ah, oo ka soo kabanaya dagaallo uu ciidamo nabad-ilaali ah diro, laakiin maxaa naga hor-istaagaya inaan ciidamo ku tabarucno. Burundi iyadoo dagaallo ku jirto ayay annaga ciidamo noo soo dirtay, oo ay gacan ka gaysatay dib u dhiska dalkeena, maxaa anaga noo diidaya inaan ka qeyb-galno dhisidda nabadda dal kale oo Afrikan ah”. ayuu yiri

IGAD ayaa dooneysa in ciidamada ka imaanaya Soomaaliya, Sudan, Uganda iyo Jabuuti lagu daro ciidamo kale oo nabad ilaalin ah oo horey u joogay Koonfur Sudan.

Hase yeeshee George Musamali oo ah agaasimaha Xarunta Mareynta Halisaha ee Afrika ayaa arrintan si kale u arka.

“Sawirka IGAD ay bixineyso ayaa ah inay muujiso inay xasilisay Soomaaliya, waxay ku cayaarayaan maskaxda dadka, oo ay u sheeegayaan in xasiloonida Soomaaliya ay joogto heer ay ciidamadeeda u diri karto dalal kale, balse taasi waa fikrad qaldan, wax ay ahaataba waxaa cad in Al-Shabaab weli ku baashaaleyso Soomaaliya” Ayuu yiri Musamali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -