Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxda Daacish oo sheegatay Masuuliyadda dilal ka dhacay Koonfurta Somalia

Kooxda khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa sheegatay inay ka danbeysay falal khaarijin ah oo ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Warbaahinta Daacish ee Acmaaq ayaa shaacisay in shalay ay isgoyska Black Sea ciidamadeeda toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada canshuurta qaada ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegteen inay magaalada Afgooye ku dileen Askari ka tirsan Booliska oo ka howlgalayey degmadaas.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay dilal badan oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda DF iyo wakiilka QM? (Sawirro)

Caydiid Ali

Bob Menendez oo kahor yimid mudo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen

Cabdi Cade

Xaalad adag oo soo wajahday ciidamada Ukraine ee Ruushka la dagaalamaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---