Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasime KMG ah oo loo Magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda DF

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa Axmed Siciid Maxamed u magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Axmed Siciid Maxamed kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee soo maamulay heyadda socdaalka.

Agaasimihii hore ee Hey’adda C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa dhowaan ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta qaranku ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Cabdul ayaa War saxaafadeed uu soo saaray isku casilay, isagoo dalka ka maqan wuxuuna xusay inuusan sameyn nin wax qalad ah, eedeynta loo jeediyeyna ay tahay dano gaar ah laga leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Qaabkii ay ciidanka Milatariga usoo bandhigeen Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Xog: Muxuu yahay qorshaha cusub ee Farmaajo doonayo inuu ku carqaladeeyo Rooble?

Caydiid Ali

Iska hor imaad ka dhacay Jaziira iyo Cumar Finish iyo taliyaal ciidan oo tagay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---