Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad ka dhacay Jaziira iyo Cumar Finish iyo taliyaal ciidan oo tagay (Sawirro)

Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeesan ayaa ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ka dhacay Jaziira kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Nabadsugidda iyo Milatiriga Soomaaliya si ay ugu kuurgalaan xaalada Jaziira.

Cumar Finish ayaa laamaha Amniga kaga Mahadceliyay sida ay uga dhiidhiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, isaga oo sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka degan iyo kuwa taga deegaanka Jaziira oo inta badan dalxiis loo tago.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaasha ciidan ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee deegaanka Jaziira ,iyagoona la kulmay saraakiisha ciidanka ay halkaasi horey u joogay.

https://youtu.be/qZOQRKFr5Vc

Related posts

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Puntland

Cabdi Cade

Taliye Firin oo la dallacsiiyay, xilli xilka laga qaadayo

Caydiid Ali

Ajende culus oo looga doodayo Kulan uu beri yeelanayo Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---