Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo adkeeyay xaquuqda Shacabka ee helida biyo nadiif ah iyo koronto raqiis ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey masuuliyiinta wasaaradda in mashaariicda tamarta iyo biyaha ee ay maalgeliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

Related posts

Madaxweyne Caan ah oo sheegay in Haweeney si xeeladeesan xilkiisa u afgembisay

Cabdi Cade

Kaalintee Somalia ka gashay dalalka caalamka ugu awooda badan dhinaca Milateriga?

Caydiid Ali

Dowlada Shiinaha oo ergay cusub u soo Magacowday dalal Somalia ay ku jirto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---