Jeneraal Biixi iyo Saraakiil Ciidan oo gaaray Deegaano cusub oo Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Mohamed Tahliil Biixi oo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ay kamid yihiin taliyaha booliska Hiirshabelle,taliyaha ciidanka Gorgor iyo saraakiil kale ayaa kormeeray deegaanno cusub oo Al Shabaab laga saaray.

Jeneraal Biixi iyo xubnaha la socday ayaa gaaray deeganno hoosyimada degmada Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud oo shalay laga saaray dagaalyahano katirsan Al-shabaab, kaddib dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay.

Taliyaha ayaa tagay goobihii shalay dagaalada ka dhaceen ee kala ah Quricii jilibeey, macaashka ,garasweyne, juxaay oo ah dhul keymo ah una dhaxeeyo Guulane Iyo Masaajid Caligaduud, halkaas oo Al Shabaab fariisimo ku lahaayeen.

Jeneraal Biixi  oo la kulmay saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaannada uu tagay ayaa sheegay in la dalacsiinayo saraakisha iyo askartii dagaalka la gashay Al Shabaab kana furtay hubka sidoo kale raga badan ka dilay.

Deegaannad maanta kormeereen taliyaha ciidamada dhulka iyo xubnaha la socday ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaalo xooggan, waxa ayna dowladda sheegtay in goobahaasi lagu dilay in ka badan 100-dagaalyahana oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -