Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Afhayeenka ONLF oo shaaciyey hal qodob oo aysan weligood ka tanaasuli doonin

Afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa wuxuu sheegay iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni iisu taagto.

Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxaa shalay ku qabsoomay wadahadal ay yeesheen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, halkaas oo ay labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis is fahan ballana ay ku qaateen in ay sii wadaan wada xaajoodka.

“Heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafki aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay”. ayuu yiri Caddaani Hirmooge afhayeenka ONLF.

Wuxuuna intaa ku daray “in aaya ka talintu uu shacabku iska leeyahay waana xaq caalami ah oo qaanuuni ah, xeerarka Itoobiya iyo Kuwa caalamigaba wey qorayaan waana xuquuq caalami ah oo ay qowmiyad kasta leedahay oo markay rabto ay adeegsan karto marka xaqa aaya ka talinta weligii aan laga tanaasuleyn”.

Caddaani Hirmooge afhayeenka ururka ONLF wuxuu sheegay Waxayaabaha Itoobiya ay u gudbyeen ajanda ahaan oo ay ka wada hadli doonaan iney ka mid tahay aaya ka talinta oo ay wadahadalka ku jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbaheysiga Isbedeldoonka 1-Luulyo oo Qabyo ku tilmaamay Heshiiskii Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Madaxda Maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dayuurado shil ku galay dalka Faransiiska & howlo gurmad ah oo socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---