Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dil caawa ka dhacay duleedka Belad-weyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Degaanka Baardheere oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa caawa lagu dilay nin oday ahaa oo laga yaqiinay degaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninka la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Tobane Ciilow  xilliga la dilayey uu watay gaari nooca raaxada ah.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen in Tobane ay beegsadeen rag hubeysan, kuwaasoo oo dilka kadib ka kaxeystay gaari yar oo uu watay marxuumka.

Wiil uu dhalay marxuumka ayaa dilkan ku eedeeyay iney aabihiis u geysatay kooxda Al Shabaab

“Baladweyne ayuu ka baxay wuxuuna ku sii jeeday degaanka Booco, gaari Noah ayuu watay, Al Shabaab ayaa ku qabatay degaanka Baardheere, Ka dibna way dileen” ayuu yiri wiilkan oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Kooxda Al-shabaab iyo Maamulka gobolka Hiiraan weli kama aanay hadlin dilkan, mana jiraan warar madax banana oo sheegaya sida uu dilkan u dhacay iyo sababta ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo kawada hadlay xaalad taagan (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheikh Tamim Bin Hamad oo ku gacan seeray Casuumadii Boqor Salmaan

admin

Maxay ka wada hadleen RW Khayre iyo Maamulka Shirkadda Enez (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---