Heshiis Somalia looga cafiyey bilyan dollar oo Muqdisho lagu kala saxiixday (Sawirro)

Raisul Wasaaraha cusub ee Somalia ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu kala saxiixanayey heshiis lagu cafinayo deyn gaareysa hal bilyan oo dollar taasoo maraykanku ku leeyahay Somalia.

Heshiiskan waxaa dhanka Maraykanka u saxiixay Safiirka ka jooga Somalia danjire Yamamoto halka Somalia uu qalinka ku duugay Wasiirka Maaliyada C/raxmaan Ducaale Beyleh.

Heshiislan labo geesoodka ah ayaa dhigaya yareynta iyo dib u qaabeynta deynta ay saddex hay’adood oo ka tirsan dowlada Mareykanka ku leeyihiin Somalia

“Saxiixidda heshiiskan waxay aheyd suurtagal maxaa yeelay Soomaaliya waxay hirgelisay dib-u-habeyn ballaaran oo xagga dhaqaalaha ah sannadihii la soo dhaafay iyadoo bishii Maarso ee sannadka 2020 ay gaartay heerkii ugu horreeyay ee deyn cafinta, Mareykanka wuxuu cafin doonaa in ka badan 1 bilyan oo deyn ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka.

Maraykanka ayaa sidoo kale ku amaanay dowlada Somalia dedaalka ay ugu jirto horumarinta dhaqaalaha dalka

“Waxaan ku ammaaneynaa DFS horumarka ay ka gaadhay raadinta dib-u-habeynta dhaqaalaha. Ka shaqeynta nidaamka deyn cafinta ayaa u oggolaan doonta Soomaaliya inay dib u soo ceshato helitaanka taageerada maaliyadeed ee hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si ay u maal gashato yareynta saboolnimada iyo kobaca dhaqaalaha” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka dowlada Maraykanka

Mareykanku ayaa sheegay inuu weli yahay saaxiibka ay u heellan tahay Soomaaliya uuna ku faraxsan yahay inuu door ka ciyaaro xaqiijinta guusha dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa waxay guul u tahay dowlada Somalia oo dedaal badan gelisay sidii Somalia looga cafin lahaa deyn fara badan oo lagu leeyahay, iyadoo Marayanku ka mid ahaa dalalka deynta ugu badan ku leh Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -