Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray dalka Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka argagixisada la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka Madaxweynaha oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Hadalkii kasoo yeeray Guddiga kasoo talo-bixinta doorashooyinka oo cadeeyay in uu Fashilmay Shirka Dhuusamareeb!!

admin

Maraykanka oo labo todobaad u qabtay Turkiga & Xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda oo madax kala duwan kula kulmay Washington

Cabdi Cade
Taboola Ads ---