Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo howlgal ka fuliyay Deegaanno Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka ee Danab oo kaashanaya kuwa Nabad sugidda iyo daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu baacsaday  dagaalamayaal katirsan Al Shabaab ka  fuliyey deegaano  ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa ciidamada inta ay wadeen waxa ay ku bur buriyeen xarumo iyo goobo difaacyo u ahaa kooxda Al Shabaab , waxa ay sidoo kale ciidamada soo saareen miinooyin Al Shabaab waddooyinka ku aaseen.

Ciidamada huwanta ah ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanno ay kamid yihiin Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaano kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada huwanta ah ee howlgalka sameeyay ayaa sheegay in ay joogteenayaan howlgalada ay ku baacsanayaan dagaalyahannada AL Shabaab ay ku eedeeyeen in shacabka dhibaato ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay Sargaal lagu waayay Weerarkii Aadan Yabaal

Cabdi Cade

Cabsi soo wajahday Madoobe & Deni iyo dilal siyaasadayn oo ka bilowday Muqdisho

admin

Beesha Caalamka oo Qodobo Xasaasi ah hor dhigtay Axmed Madoobe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---