Beesha Caalamka oo Qodobo Xasaasi ah hor dhigtay Axmed Madoobe (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan xasaasi ah magaalada Kismaayo kula qaatay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Kulan saacado qaatay oo Kismaayo ku yeesheen Axmed Madoobe iyo Wafdiga uu Swam hogaaminayay ayaa looga hadlay doorashada la filayo in Kismaayo ka dhacdo iyo sidii doorashadaasi u noqon laheyd mid si xalaal ah u dhacda.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swam iyo xubnaha la socday  ayaa ka hor dhigay  Madaxweynaha Jubbaland in wax ka badal lagu sameeyo jadwalka Doorashada ee hada lasoo hor mariyay.

Waxa uu sidoo kale Swam hor dhigeen Axmed Madoobe in dib loo furo diiwaan galinta Musharaxiinta si ay uga faa’iideestaan Musharaxiinta aan iswiiwaan galin iyo sidoo kale wax ka badal lagu sameeyo shuruudo adag oo Musharaxiinta doorasada looga hor istaagayo.

Axmed Madoobe ayaa Wafdiga uu la kulmay u sheegay in isagu uusan waxba ka qaban karin qodobadaasi ayna yihiin kuwa u yaala Guddiga doorashooyinka iyo Xuduuda Jubbaland oo gacanta ku haya howlaha doorashada.

James Swam iyo xubnaha la socda ayaa sidoo kale kulamo la leh Guddiga Doorashooyinka iyo sidoo kale Musharaxiinta isbadal doonka ee kasoo horjeeda in mar kale Madaxweyne ka noqdo Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Beesha Caalamka ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii xal looga gaari lahaa doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo , waxa ayna Axmed Madoobe beesha Caalamka ku cadaadineysaa in doorashada noqoto mid si xur iyo xalaal u dhacda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -