Allbanaadir.com
NEWS

Hoyga Yevgeny Prigozhin oo laga helay Hub fara badan iyo Lacag xad-dhaaf ah (Sawirro)

Warbaahinta Izvestia ee taabacsan Dowladda Raashiya waxay shalay oo Arbaco ahayd bishan soo daabacday Sawiro iyo Muuqaalo Video ah oo la sheegay in laga soo qaaday Dhismaha uu Asaasihii Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin ka deganaa magaalladda Saint Petersburg.

Dhismahaasi oo ka kooban 2 Dabaq ayaa waxaa xoog ku galay xubno ka tirsan Ciiddanka Federalka Raashiya, iyagoo halkaasi ka sameeyey Baaritaan buuxa.

Warbaahinta Izvestia waxay qortay inay bishan July 5-dii heleen Sawirada iyo Muuqaalka laga soo duubay Hoyga iyo Xafiiska Madixii Kooxda PMC Wagner ee gadoodsanaa.

Alaabooyinka laga helay Dhismahaasi waxaa ka mid ah Hub fara badan, Dahab badan, Dhowr Baasaboor, Sanaadiiq ay ku jireen Lacag fara badan, Diyaarad Helikobtar ah, Weji-qariye (Maasgaro), Timo Macmal ah (Buruuko) iyo Qalab kale oo kala duwan.

Waxaa kale oo uu Dhismahaasi lahaa Garoon Diyaaradeed, Barkad lagu dabaasho, Goob Jir-dhiska iyo Jimicsiga iyo Qol u khaas ah Kulaylka iyo Diirimaadka iyo Qolka Daaweynta (A medical room).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Somalia ku yeesheen Muqdisho? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka oo loo diiday inuu tago Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---