Duqeyn Khasaaro geesatay oo lagu garaacay Iskuul iyo Isbitaal kuyaala Degmada Saakow

Diyaarado dagaal oon wali la ogeyn cida iska leh ayaa xalay duqeymo khasaaro kala duwan dhaliyay waxa ay ka geesteen Degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe, halkaas ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala eegtay isbitaalka Degmada Saakow iyo sidoo kale kuleej caruurta wax lagu baro, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro dhimasho iyo bur bur xoogan.

Inta la xaqiijiyay sadex caruur ah oo kamid ahaa caruurta dhiganeysay kuleejka ayaa ku dhintay duqeyntan diyaaradeed, waxa sidoo kale duqeynta bur bur xoogan u geesatay qeybo badan oo kamid ah Isbitaalka.

Duqeyntan xalay lagu garaacay degmada Saakow ayaan wali la ogeyn cida fulisay, waxaana duqeymaha inta badan ka dhaca Jubooyinka fuliya Diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -