Ciidamada Amaanka oo soo afjaray Weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Xasilinta ayaa goordhaw soo afjaray weerarkii dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ku galeen dhismaha xarunta Oto Oto ay dega  yihiin Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in ciidamada amaanka si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka xarumaha la weeraray, waxa ayna sheegeen in ciidamada soo afjareen howlgalkii ay ka waden dhismaha.

Lama oga in ciidamada amaanka wada toogteen ragii katirsanaa Al Shabaab ee weerarka ku qaaday xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo arimaha Gudaha, waxaana la sheegay in raga weerarka ku galay xarumahaasi ay ahaayeen sadex nin oo hubeesan.

Xarunta la weeraray waxaa hada ku sugan saraakiil katirsan laamaha amaanka dowlada, waxaana halkaasi ka socda baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka ay ku raadinayaan dad waxyeelo weerarka kasoo gaartay oo ku jira qeybo kamid ah dhismaha.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday xarumaha Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Amniga, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen dowlada.

Xaalada ayaa hada ah mid degan , waxaana wali xiran Isgooska Sayidka ah oo ah halka uu ka dhacay qaraxii  uu ka bilowday weerarkii lagu qaaday xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga oo hal dhismo kuyaala.

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah, ciidan iyo waliba qaar kamid ah Shaqaalaha dowlada gaar ahaan Shaqaalaha Wasaarada Amniga iyo gudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -