Sawir laga qaaday Wiil 11-sano jir ah oo gil gilay Quluubta Malaayiin Ruux (Daawo Sawiro)

Sawir laga qaaday Wiil yar oo 11-sano jir ah oo ilmada iska tiraya isaga oo eegaya kuna dul ooynaya meydka aabihiis ayaa gil gishay saameyn badana ku yeelatay quluubta Malaayiin ruux oo kunool daafaha Dunida.

Wiilkan sawirka laga qaaday ayaa dul taagnaa meydka aabihiis oo 27-sano jir ahaa kaa oo geeriyooday kadib markii uu lasoo go’ay xarig uu u adeegsadanaay  goob ay bulaacaduhu maraan uu ka shaqeenayay.

Weriye u shaqeeya wargeyska Hindustan Times Shiv Sunny oo qaaday Sawirka wiilkan yar ee murugeesan ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay qisada wiilkan, waxa ayna dhacdadan noqotay mid si weyn loogu baahiyo baraha Bulshada.

Qoyska ninkan geeriyooday oo ahaa kuwa faqiir ah ayaa hal maalin kaliya loogu aruuriyay lacag ka badan 40-kun oo Dollar, waxaana qoyska ninkan geeriyooday la sheegay in ay ku adkaatay in xitaa bixiyaan qarashka duugta .

”Aad ayaana uga ‘naxay’ wiilkan yar ee 11 jirka ah ee ku dul ooynaya meydka aabihii, waxaan ahay weriye ka warrama arrimaha dambiyada, waxaan arkay masiibooyin badan lakiin waligey maanan arkin tan oo kale” ayuu yiri, Mr Sunny oo ah sawir qaadaha.

Dhacdada wiilkan yar ayaa noqotay mid gil gisha quluubta malaayiin ruux oo daafaha dunida ku kala nool, waxaana dhacdadan murugada badan noqotay mid si weyn loogu faaqiday baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -