Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOMALILAND

Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Eng. Yariisow

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Cirro ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid guddoomiyihii gobolka Benadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman (Yariisow)  oo maanta ku geeriyooday magaalada Doxa ee dalka Qatar ka dib markii uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta dowlada hoose.

“Waxa aan dadka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Eng. Cabdiraxman Cumar Cisman (Yariisow) oo ahaa Duqii iyo Guddoomiyihii magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya” ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Cirro ayaa Illaahay uga baryay marxuumka inuu u naxariisto Qoyskiisii iyo dadka Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.

“Walaaltinimada isirka Soomaaliga ah ayaa ka sarreysa siyaasadda iyo waxa inaga dhaxeeya” ayuu qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Cirro.

Somaliland oo 28 sano ka hor sheegata iney ka go’day Soomaaliya balse aan aqoonsi helin ayaan siyaasiyiinteeda looga baran iney ka hadlaan arrimaha khuseeya Koonfurta Somalia iyo dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo soo saaray amar saameynaya ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Abdul Latif Rashid (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog: Cumar Filish oo rag ganacsato ah ka iibiyey dhulka xarun dan guud ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---