Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni iyo Golihiisa Wasiiradiisa oo ansixiyay Lix xeer oo la horgeeyay (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Ansixinta Lix Xeer oo isugu jira kuwo wax ka bedel lagu sameeyay iyo Kuwa cusub.

Golaha wasiiradda ayaa shirkooda inta uu socday dood dheer ka yeeshay ilaa lix xeer oo golaha la horkeenay, waxaana dood iyo falanqeyn kaddib golaha wasiirada ay ansixiyeen lixda xeer ay ku jiraan kuwa cusub iyo kuwa isbadal lagu sameeyay.

Xeerarka uu Goluhu ansixiyey waxaa ay kala yihiin: –

1. Xeerka Maamulka Maaliyadda
2. Xeerka Maamulka Dakhliga
3. Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga
4. Wax-ka-bedelka Xeerka Bangiga
5. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka
6. Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta saamaynta deegaanka iyo Bulshada.

Xeerarkan ay meel mariyeen golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in xukuumadda u gudbiso golaha wakiiladda maamulka Puntland , si ay xeerarkan u meel mariyaan ama usoo celiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliban oo soo saartay amaro cusub oo ka dhan ah haweenka Afghanistan

Caydiid Ali

Xabbad-joojin cusub oo loo0ga dhawaaqay dalka Sudan iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Miinooyin la sheegay in laga keenay Eritrea oo Muqdisho laga soo dejiyay iyo cida lala beegsanayo oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---