Wiil uu dhalay Qadaafi oo xaalad halis ah ku sugan kaddib markii go’aan adag qaatay

Wiil uu dhalay hoggaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya korneel Muamar Cumar Qadaafi ayaa ku sugan xaalad halis ah, kaddib markii wiilkan uu qaatay go’aan adag uu gabi ahaanba kaga soomay cuntada .

Hannibal Qadaafi ayaa muddo ka badan 12-sanno ku xiran xabsi kuyaalla dalka Lubnaan iyada oon wax xukun ah lagu ridin, waxa uuna wiilkan sameeyay bannaan bax uu kaga soomay cuntada si uu u muujiyo in uu ka xun yahay xukun la’aanta uu xiran yahay.

Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in xabsiga laga saaray Hannibal Qadaafi, kaddib markii uu galay xaalad adag, waxaana loola cararay oo hadda lagu daweenayaa isbitaal .

Wiilka Korneel Qadaafi ayaa bilaabay in uu cuntada ka soomo bishii lasoo dhaafay, waxa uuna wiilkan si weyn uga cabanayaa in uu iska xiran yahay muddo sannado ah, iyadoona wax maxkamad ah lasoo taagin.

Hannibal Qadaafi oo u baxsaday dalka Syria ayaa laga soo qabtay sannadkii 2011-kii, waxa uuna xilligaasi waxii ka dambeeyay ku xiran yahay xabsi kuyaalla magaalada Beyrut ,iyada oo aysan jirin wax dacwado ah oo lagu soo oogay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -