Allbanaadir.com
NEWS

Xabbad-joojin cusub oo loo0ga dhawaaqay dalka Sudan iyo Mareykanka oo ka hadlay

Ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa RSF ayaa markii saddexaad gaaray heshiis xabbad-joojin ku meel gaar ah, inkastoo heshiisyadii xabbad-joojinta ay horey u gaareen dhinacyadan dagaalka u dhaxeeyo sidii la rabay aysan u dhaqan-gelin.

Wadahadalo socday in ka badan 48-saacadood ayaa ciidamada milatariga hoggaankooda iyo kuwa RSF ku heshiiyeen xabbad-joojin 72 saacadood ah , heshiiskan ayaana dhaqan-galay xalay saqdii dhaxe.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa xaqiijiyay heshiiska xabbad-joojinta ay gaareen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan, waxa uuna xusay in heshiiskan ka dhashay wadahadalo saacado badan socday kaddib.

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Suudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale.

Dagaalka ka socda dalka Sudan waxaa ku dhintay dad ka badan 400-qof , waxaana ku dhaawacmay dad kale oo intaasi ka badan, dagaalka ayaa sidoo kale sababay in laga barakaco qeybo badan oo kamid ah magaalada Khartuum.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waan Waan Shuruud ku xiran tahay oo laga dhax bilaabay Farmaajo iyo Rooble !

Cabdi Cade

Al Shabaab oo qarxiyay Ceelal Biyood iyo xarumo isgaarsiineed oo kuyaalla Galmudug

Cabdi Cade

Shaacinta natiijada Cilmi baarisyada xanuunka HIV AIDs ee Soomaaliya oo la Daah-furay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---