Madaxweyne hore Waare oo shaaciyay in Colaad laga dhax abuurayo Xawaade iyo Abgaal

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu fashilinayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, sidoo kale colaad looga dhax abuurayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Waare ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray in ay socdaan qorshayaal cadawga loogu daneenayo oo colaad looga dhax abuurayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal, si Al Shabaab u helaan fursad weyn ay kaga faa’iideestaan cadawga dibna ugu soo laabtaan.

“Shabaabkii waan kaga adkaanay furimaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogusoo celiyo furimaha. Dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle & Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrinta” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle haddana ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo tan Hirshabelle in ay kahor tagaan qorshahan colaada lagu abuurayo.

Hadalka Waare ayaa kusoo aadaya xilli uu guddoomiye hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu Baladweyne kaga dhawaaqay maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State, kana hor yimid jiritaanka maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -