Guriga Duqa magaalada Paris oo la weeraray iyo Xaaskiisa oo dhaawac culus gaaray

Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska waxaa ka socda rabshado xooggan oo ay dhigayaan dad u badan dhallinyaro, waxaana rabshadahan lagu boobayaa laguna gubayaa goobo ganacsi iyo xarumo kale.

Qaar kamid ah dadka dibad baxyada dhigaya ayaa xalay weerar ku qaaday guriga uu degan yahay duqa magaalada Paris Vincent Jeanbrun, waxaana dibad baxayaasha gubeen gaarigii uu lahaa duqa magaalada .

Guriga xilliga weerarka ku qaadayeen dadka dibad baxa waday ayaa la sheegay in ay hurdayeen xaaska duqa magaalada iyo labo carruur ah uu dhalay, waxaana mar qura qal qal uu lasoo darsay xaaska iyo carruurta marka guriga weerarka lagu bilaabay.

Xaaska duqa magaalada Paris  Haÿ-les-Roses ,ayaa ka jabtay Lugta gaar ahaan lafta tibia- xilli ay isku dayayeen iyada iyo carruurta in ay ka baxsadaan weerarka, waxaana la sheegay xaaska duqa magaalada in uu soo gaaray dhaawac culus oo halis ah.

Duqa magaalada Paris ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gurigiisa laguna gubay gaarigiisa, waxa uuna sheegay in weerarkan uu ahaa isku day dil ,sidoo kale la doonayay in gurigiisa lagu gubo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -