Hantidhowrka Qaranka oo Baarlamaanka labada Aqal u gudbiyay Warbixinta baarista …

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa maanta labada Aqal ee Barlamaanka  Federaalka u gudbiyay warbixinta baarista u hoggaansanaanta sharciga (Compliance Audit Report) iyo warbixinta baarista maaliyadeed ee dowladda (FGS Financial Audit Report) ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2022.

Warbixinnadan ayaa lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga isla markaana loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha muddo hal (1) bil ah, kaddib sida uu qabo Qodobka 45, farqaddiisa 4 ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ee 25/12/2019).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -