Dowlada Somalia oo cadeysay sababaha dalka looga ceyriyey safiirka Itoobiya

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daud Aweis ayaa sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markii ay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaanka diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Ethiopia, ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeenna”

Wasiir Daud Aweis waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisada taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaanka Addis Ababa uu joojiyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kalekuwa caalamiga ah.

Waasiirka ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolka”. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.

- Advertisement -